Wararka

Lewis Hamilton oo noqday darawalkii labaad ee taariikhda oo ku guulesyta lix koob…


Lewis Hamilton oo ka soo jeeda dalka Ingriiska ayaa wuxuu ku guuleystay koobkiisii ​​lixaad ee “Formula One” ee gawaarida iyada oo lagu tartamayey abaalmarinta Ameerikadii weyneyd kadib markii uu xaqiijiyey horyaalka xitaa haddii uusan ku guuleysan wax dhibco ah wareegii ugu dambeeyay.

Saaxiibkiisa wada gaariga Mercedes ee Valtteri Bottas oo u dhashay dalka Finland ayaa ku guulaystay wareegii ugu dambeeyay, Hamilton oo 34 jir ah ayaa kaalinta labaad ku dhammeystay wareegga Ameerika, isagoo noqday darawalkii labaad ee taariikhda ee ku guuleysta ugu yaraan lix koob kadib halyeeyga Ferrari Michael Schumacher oo heysta todob koob.

Max Verstappen oo Holland ka soo jeeda isla markaana wada gaariga Red Bull ayaa soo galay kaalinta seddexaad.

Tartanki ugu dambeeyay ayuu khasaariyey Hamilton si dhib yar laakiin kama hor istaagin inuu ku guuleysto dhibcaha.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (7784 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: