Wararka

Sheekh Shaakir: Madaxda dowlada sare iyo annaguba xiriir baa nooga socda in la dhameeyo…


Madaxa Xukuumadda Galmudug , islamaraana ah madaxa ugu sarreeya Ahlu Sunna Waljameeca Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xassan ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in ay jiraan deegaanno lagala wareegay.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa maalmihii ugu danbeeyay waday dhaqdhaaqyo ciidan oo dhan ah Ahlu Sunna Waljameeca gaar ahan degmooyinka Dhuusa-Mareeb, Guri-ceel iyo degmada Matabaan.

Sheekh Shaakir ayaa sheegay in Dhuusa-Mareeb iyo guud ahaan deegaannada kale ee gobolka Galguduud ku sugan yihiin ciidamadii isku dhaf ahaan lagu soo heshiiyay, isaga oo intaan ku daray in wax dhici kara aysan aheyn dadkii deegaannadaa xoreeyay haddana la niyeysto sida uu hadalka u dhigay in laga sii xoreeyay iyaga.

“Madaxda dowladda sare iyo annaguba, xiriir baa nooga socda in la dhammeeyo. Annagu haddii aan nahay shacabka mas’uuliyiintii matalaysay ee dowladda soo dhaweysay, ma rabno in hal xabbad ay dhacdo, ma rabno hal qof in uu dhinto, ma rabno hal qof inuu dhaawacmo”.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dib-u-heshiisiinta dowladda Federaalka Cabdi Maxamed Sabriye ayaa ku eedeeyay Ahlu Sunna in ay is hortaag ku sameynayaan dhismaha Galmudug loo dhan yahay, waxaana uu uga digay dhaqamo sida uu hadalka u dhigay dib u noqosha ah oo aan u wanaagsaneyn deegaannada iyo dadka ku dhaqan gobollada dhexe.

Inkastoo Sheekh Shaakir uu warbaahinta u sheegay in uusan jirin deegaan lagala wareegay ayaa haddana waxaa xusid mudan in meelaha qaar is rasaaseyn ku dhaxmartay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Ahlu Sunna Waljameeca gaar ahaan aaga degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (7784 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: