Wararka

Sagaal xubnood oo Shabaabnimo lagu soo eedeeyey oo lagu xukumay xukunno kala duwan…


Maxkamada ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukuno kala duwan oo xabsi ah ku riday 9-xubnood oo lagu eedeeyay in ay katirsanaayeen kooxda Al Shabaab gaar ahaan kooxda wax disha ee loo yaqaan Amniyaadka.

Xeer ilaalinta Maxkamada ayaana soo bandhigay dambiyada loo heysto xubnahan katirsan Al Shabaab, waxaana Maxkamada sheegtay in dadkan lagu hayo cadeymo muujinaya in xubno muhiim ah ka ahaayeen kooxda Al Shabaab.

Dadka Maxkamada lasoo taagay oo ahaa 9-xubnood ayaa waxaa ku jirtay haweeney la sheegay in hubka u keydin jirtay raggan loo heesto in ay katirsanaayeen kooxaha dadka dila ee Al Shabaab.

Xubnahan loo heesto in ay katirsan yihiin Al Shabaab ayaa la sheegay in ay ka howl gali jireen Degmooyinka Yaqshiid iyo Hiliwaa ee gobolka Banaadir sida ay cadeeyeen xeer ilalainta Maxkamada ciidamada.

Garsoorayaasha oo dhageysi kiiskan waqti badan geliyay ayaa ku kala xukumay sagaal eedeysane:- Axmed Cabduqaadir Axmed Xabsi Daa’in, waxa ay sidoo kale Maxkamadda kuwada xukuntay min Shan iyo Toban (15)-sano 1-Cabdiraxmaan Nuur Maxamed Jimcaale, 2- Saafi Ciise Arwaax, 3-Yaasiin Maxamed Abtidoon, 4- CabdiShakuur Cali Maxamuud iyo Farxaan Aadan Yuusuf Wehliye, halka ay Maxkamadda min Sideed (8)-sano ku kala xukuntay:- 1-Farxaan Faarax Maxamuud Fiidow iyo 2-Xasan Sheikh Cabdullaahi Abuukar.

Maxkamadda ayaa amartay in la sii daayo CabdiKhadar Mire Axmed hadii aysan jirin dambiya kale oo loo heysto, sida uu la wadaagay dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Dadkan Maxkamada ku riday xukunada kala duwan ee xabsiga ah ayaa waxaa u furan in racfaan ka qaataan Xukunkan lagu riday sida uu shaaciyay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (7784 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: