Wararka

Turkiga oo sheegay inay qabteen haweenay la dhalatay hogaamiyihii hore ee Daacish…


Saraakiisha Turkiga ayaa sheegay in la qabtay haweeney la dhalatay Hoggaamiyihii hore ee Daacish Abuubakar Al-Baqdaadi, kaddib howlgal laga fuliyay waqooyiga Suuriya.

Haweeneydan oo lagu magacaabo Rasmiya Awad ayaa da’deeda lagu sheegay 65 sano jir, waxaa Isniintii shalay lagu qabtay howlgal ciidan oo ka dhacay meel u dhow magaalada Azaz.

Saraakiisha Turkiga ayaa sheegay in qabashada haweeneydan uu faa’ido u noqon karo in la ogaado sirta gudaha ee Kooxda Daacish.

RasmiyaAwad

Abuubakar Al-Baqdaadi ayaa is qarxiyay bishii la soo dhaafay, kaddib markii Ciidamada gaarka ee Mareykanka ay howlgal ku galeen guri uu degenaa oo ku yaalla waqooyiga Suuriya.

Wargeyska New York Times ayaa ku warramay in al-Baqdaadi ay la dhalatay shan wiil iyo dhowr gabdhood, balse ma cada inay dhammaan nool yihiin iyo in kale.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (7784 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: