Wararka

Xaflad dhalasho wiil yar oo aan soo xaadirin saaxibadii oo dad badan ka falceliyey…


Aabe u dhashay dalka Canada ayaa Twitter-ka soo dhigay qoraal uu welwel ugu muujinayay wiilkiisa oo 11 sano jir ah oo aysan dhalashadiisa soo xaadirin saaxibadii laakin naasib wanaag qoraalkaasi ayaa dad badan soo jiitay oo aad looga falceliyay.

Jason Foster ayaa qalbigiisa ka hadlay isagoo ay saameyn ku yeelatay xafladda dhalashada ee wiilkiisa Kade Foster oo aysan soo xaadirin saaxibadii.

Kumanaan qof ayaa ka soo jawaabay qoraalkii uu barta Twitter-ka ku qoray wiilka yar aabihii oo sidan u dhignaa: ”Waxaan saaxibadayda Twitter-ka ka codsanayaa in maanta wiilkayga aad u muujisaan jacayl”.

Dadkii ka soo jawaabay qoraalkaasi waxaa ka mid ahaa dad caan ah oo ay ka mid ahaayeen Rai’sal-wasaare Justin Trudeau, Ben Stille oo ah majaajilayste iyo xidigaha cayaarta barafka ee hockey.

Qoraalkii Jason Foster ee Twitter-ka, 18 kun oo goor ayaa la wadaagay, iyadoo sidoo kalana calaamadda laayk loo yaqaan la saaray in ka badan 100,000 oo goor.

Mr Foster qoraalka uu dhigay Twitter-ka waxa uu raciyay sawirka wiilka yar oo kaligii hortaagan doolshadii loo sameeyay xafladdiisa.

Foster ayaa sheegay inuu helay jawaab uu aad ugu farxay oo micna weyn u sameynayso wiilkiisa ”Maalintaan waligeen ma iloobi doonno”.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (7819 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: