Wararka

Dowlada Somalia oo digniin ka soo saartay halista inay dhici karaan fatahaado iyo daadad…


Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa digniin ka soo saartay halista inay dhici karaan fatahaado iyo daadad deegaano ka tirsan Koofurta dalka.

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gargaarka iyo maareynta musiibooyinka ayaa lagu sheegay roobab xooggan kana sarreeya 40mm la filayo in maanta iyo maalmaha xiga ay ka da’aan meelo ka mid ah dalka.

Saadaasha roobabka laga yaabo in labada maalmood ee soo socota ay da’aan roobab, waxaana saadaashu sheegeysa in roobabka ka da’aya Buuraha dalka Itoobiya, waxaana Wasaaraddu sheegtay in mar kasta oo roobab ka da’aan dhulka sare ee Itoobiya ay aad u sarreyso khatarta inay fatahaado kale dhacaan, isla markaana wabiga uu aad u biyo keeno.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (7819 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: