Wararka

Dowlada Yemen iyo Mucaaradka reer Koonfureedka oo heshiis ku wada gaaray Riyadh…


Dowlada Yemen ee caalamka aqoonsan yahay iyo maleeshiyada taageerada ka helaya Imaaraadka ayaa heshiis talo wadaag ah gaaray kaasi oo soo afjaraya dagaalka u dhaxeeyay labada Dhinac.

Dhaxalsugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa ku dhawaaqay Talaadadii heshiiska dowlada iyo maleeshiyada ku sugan Koonfurta Yemen ay wada Gaareen.

Bin Salmaan ayaa intaa ku daray in heshiiska lagu gaaray magaalada Riyadh uu yahay wadiiqo loo qaaday nabada iyo xasiloonida Yemen oo afartii sano ee la soo dhaafay dagaalo ka Socdaan.

Wuxuu intaa ku daray in boqortooyada Sacuudiga ay garab taagan tahay dowlada iyo shacabka Yemen oo la dhibtoonaya colaada iyo Gaajada ka jirta dalkaan Carbeed.

Qodobada ugu muhiimsan heshiiska ayaa waxaa ka mid ah in la soo dhiso xukuumad cusub taasi oo xilal laga siin doono mucaaradka ku sugan Koonfurta Yemen.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (10687 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: