Wararka

Xadiga saxda ah ee cabitaanka Qahwaha oo aan weliba waxyeeleyn jirka oo la soo saaray…


Dad badan oo adduunka ku nool ayaa waxay ku bilaabaan maalintooda koob qaxwo ah. Waxay hagaajisaa dareenka oo kordhisaa firfircoonida, waxay kaloo ay leedahay faa’ido caafimaad oo badan, waxay kaloo yareysaa khatarta dhimashada deg degga iyo halista cudurka wadnaha, sidoo kale waxay la dagaalantaa murugta oo u kordhisaa farxad weyn qofkii cabba, waxay sidoo kale kaa kaalmeysaa gubida baruurta jirka, halka Caffeine-ka uu ku jiro maado kaa ilaalisa cudurada loo yaqaan ‘Parkinson’s iyo Alzheimer’.

Laakiin inkasta oo ay leedahay faa’iidooyinkaas, hadana qaxwaha sidoo kale waxay leedahay khatarteeda gaarka ah, gaar ahaan markaad cabtid xaddi badan, maxaa yeelay waxay kor u qaadi kartaa dhiigga, waxayna kordhin kartaa halista wadne istaagga, hadaba waa maxay qaddarka saxda ah ama imisa koob oo ay tahay inaysan dhaafin maalin kasta?

Baarayaal badan ayaa wareerisay ka jawaabida su’aashan, waxayna sameeyeen daraasado badan si ay uga jawaabaan su’aashan, oo ay kujirto daraasad ay dhawaan sameeyeen jaamacad ku taala wadanka Australia, cilmi baarayaashu waxay ogaadeen natiijada xadiga saxda ah ee cabitaanka qaxwaha oo weliba aan waxyeeleyn jirka.

Daraasad
Intii lagu guda jiray daraasada, cilmi baarayaasha Jaamacada Koonfurta Australia ayaa waxay ururisay xogta 347,077 qof oo ay da’doodu u dhaxayso 37 ilaa 73 jir, oo lagu keydiyay Bangiga loo yaqaan ‘British Biobank’.

Sida lagu xusay daraasadda, cabidda in ka badan lix koob oo qaxwa maalintiiba waxay kordhisaa halista cudurka wadnaha 22%.

“Qiyaastii saddex bilyan oo koob oo qaxwa ayaa maalin walba adduunka laga cabaa. In la Ogaado xadka iyo faa’iidada iyo waxyeellada ay leedahay waa muhiim,” ayay tiri Professor Elena Hyubenen, oo ka qeyb qaadatay daraasadda.

Daraasadu waxay soo jeedisay in cabista kafee xad dhaaf ahi ay kordhiso halista ah in dhiig karka uu sarreeyo, taas oo iyana horseedi karta cudurka wadne xanuunka.

Waa in la ogaadaa in cabirka kafeeyiinta ay kuxirantahay tayada kafeega, dubitaankiisa, iyo habka diyaarintiisa, iyo sidoo kale dhererka jirka iyo culeyska iyo xaalada caafimaad ee qofka, sida lagu sheegay website-ka joornaalka Jarmalka “Stern” oo si fiican loo yaqaan.

Wargeyska Jarmalka ayaa xaqiijiyey in Isticmaalka 400 milligram ee kafeeyn ah aan wax yeeleyn qof weyn oo caafimaad qaba.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (7785 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: