Wararka

Dowlada Mareykanka oo dacwad ku soo oogtay labo qof oo ka shaqeyn jiray shirkada Twitter…


Dowladda Mareykanka ayaa labo ka mid ah shaqaale horay ugu shaqeyn jiray shirkadda barta bulshada ee Twitter kusoo oogtay dacwad la xiriirta in ay u basaaseen dowladda Sacuudiga.

Labadan ruux oo magcohooda lagu kala sheegay Ahmad Abouammo, oo dhalashada Mareykanka haysta iyo Ali Alzabarah, oo Sacuudiyaan ah ayaa maxkamad ku taal magaalada San Francisco ku eedeeysay iyagoo maqan in ay gudaha u gali jireen macluumaadka “dad ay dowladda Sacuudigu dooneysay in ay la socoto” oo gaarayay 6 kun oo ruux.

Muwaadin kale oo saddexaad oo sacuudiyaan ah islamarkaana lagu magacaabo Ahmed Almutairi ayaa sidoo kale ku eedeysan arritan basaasnimo.

Ali Alzabarah iyo Ahmed Almutairi ayaa la rumeysan yahay in ay ku sugan yihiin dalka Sacuudiga.

Dowladda Sacuudiga ayaa xiriir wanaagsan la leh Mareykanka, mana cadda sida ay arrintan ay u saameyn karto xiriirkooda.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (7784 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: