Wararka

Guddoomiye Dhoobo oo xilka laga qaaday ayaa sheegay in aan loo marin sifo sharci ah…


Guddoomiyihii Baarlamaanka Puntland C/xakiin Maxamed Axmed Dhoobo Daareed ayaa sharci darro ku tilmaamay xil ka qaadistii maanta ay ku sameeyeen Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka, kaddib markii laga keenay mooshin xil ka xayuubin ah.

Wareysi uu siiyay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayuu ku sheegay in xil ka qaadistiisa aanu loo marin sifo sharci ah, isagoo xusay inay waxba kama jiraan tahay.

“Sifo sharci ah ayaa ku imid, sifo sharci ah ayaa ku tagayaa, qaabka iyo nidaamka ma waafaqsaneyn, xaaraan weeye waa waxba kama jiraan, mana ansaxayo, Xildhibaanada culeys baa la saaray, xalay lacag ayaa la qeybiyay oo 20-kun oo dollar ah, mana ahan sifo sharci ah oo dastuurka waafaqsan”ayuu yiri C/xakiin Dhoobo.

Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ayaa u codeeyay mooshin laga keenay Guddoomiyaha, waxaana mooshinkaas gacanta u taagay 49 Xildhibaan, halka afar ka aamustay, iyadoo sidaas uu natiijada ku dhawaaqay Guddoomiye kuxigeenka 1aad.

Magaalada Garowe ayaa waxaa xalay ka dhacay dagaal kooban oo u dhaxeeyay Ilaalada xarunta Baarlamaanka iyo Ciidamo uu hoggaaminayay Taliyaha Booliska, waxaana dagaalkaas ku dhintay saddex ruux, halka qaar kale ku dhaawacmeen.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (7785 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: