Wararka

Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland oo xilkii ka qaaday Guddoomiyhii C/xakin Dhoobo…


Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ayaa xilka ka qaaday Guddoomiyihii Baarlamaanka C/xakiin Dhoobo Daareed, kaddib mooshin ay ka keeneen.

Fadhi ay Xildhibaanada ku yeesheen xarunta Baarlamaanka ayaa waxaa soo xaadiray 53 Xildhibaan, iyadoo uu shir guddoominayay Guddoomiye kuxigeenka 1aad.

49 Xildhibaan ayaa ansixiyay u codeeyay mooshinka xil ka qaadista, halka 4 Xildhibaan ay ka aamustay, iyadoo tani ka dhigan tahay in sidaas xilka looga xayuubiyay Guddoomiyihii Baarlamaanka C/xakiin Dhoobo Daareed.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada mooshinka ka keenay Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland ayaa ku eedeeyay inuu ku xadgudbay dastuurka, isla markaana xarunta baarlamaanka uu soo geliyay ciidamo beeleed.

Xalay ayay aheyd markii dagaal uu ka dhacay xarunta baarlamaanka uu dhex maray Ciidamo ilaalo ka hayay Xarunta iyo Ciidamo uu hoggaaminayay Taliyaha Booliska Puntland, waxaana is rasaaseynta ku geeriyooday saddex ruux.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (7784 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: