Wararka

Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibada Itoobiya oo la wareegay xilka Xoghayaha Guud ee IGAD…


Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Itoobiya Dr. Workneh Gabeyehu ayaa si rasmi ah shalay ula wareegay xilka Xoghayaha Guud ee Urur Goboleedka IGAD.

Munaasabad ka dhacday dalka Jabuuti oo xarun u ah Xogheynta IGAD ayaa Maxbuub Macalin oo u dhashay dalka Kenya ku wareejiyay xilka Xoghayaha Guud Dr. Workneh Gabeyehu.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa dhowaan u magacaabay Dr. Workneh Xoghayaha Guud ee IGAD, iyadoo dalalka Itoobiya iyo Kenya ay ku heshiiyeen inay is dhaafsadaan xilalka Xoghayaha iyo Guddoomiyaha IGAD.

Soomaaliya ayaa horay u dooneysay xilka Xoghayaha Guud IGAD, hase ahaatee waxaa la sheegay inay u tanaasushay Itoobiya, halka Jabuuti ay ka hor-timid, balse safar uu Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ku tagay Jabuuti wuxuu ku qanciyay Madaxweynaha Jabuuti inuu aqbalo kala wareeggaas.

Shir Madaxeedka Urur Goboleedka IGAD oo dhowaan ka dhici doona magaalada Mombasa ayaa lagu wadaa in si rasmi ah uu Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ula wareego xilka Guddoomiyenimada IGAD.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (7784 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: