Wararka

Guddoomiyihii xilka laga qaaday Dhoobo Daareed iyo ciidamo uu wato oo gaaray Xiin-Galool…


Gudoomiyihii Baarlamaanka maamulka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed) oo khamiistii Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Puntland xilka ka qaadeen ayaa isaga tagay magaalada Garowe oo horey u degnaa.

Dhoobo Daareed iyo ciidamo badan oo ilaalo u ah ayaa shalay galab gaaray deegaanka Xiingalool ee Gobolka Sanaag, waxaana halkaasi kusoo dhaweeyay waxgaradka magaalada iyo dadweyne kale.

Gudoomiyihii Baarlamaanka Puntland ayaana horey sharci daro ugu tilmaamay xil ka qaadista lagu sameeyay, waxa uuna ku adkeystay in uu wali yahay Gudoomiyaha Baarlamaanka uuna ku yimid sifo sharci ah.

Mr Dhoobo ayaan wali ka hadlin safarka uu ku gaaray gobolka uu kasoo jeedo ee Sanaag, lamana oga in halkaasi ka bilaabi doono iyo in kale abaabul ka dhan ah maamulka Puntland uu horey uga tirsanaa.

dhobo-2

Gobolka Sanaag ayaa maamulkiisa waxaa isku heysta maamulada Somaliland iyo Puntland, waxaana la sheegay in Gudoomiyaha xilka laga qaaday gobolkaasi ku leeyahay taageerayaal badan.

Khilaafka ka dhashay xil ka qaadista Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulka Puntland ayaa wali la dareemayaa, waxaana magaalada Garowe ku sugan Suldaanka Guud ee Beesha Harti ah oo ah beesha iska leh xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (7819 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: