Wararka

Maxkamada Sare ee India oo riday xukun dhul ay isku heysteen Muslimiinta iyo Hindus-ka…


Maxakamadda Sare ee dalka India ayaa Sabtida maanta go’aamisay xalka khilaaf mudada dheer taagnaa ee u dhexeeyey dadka Hindus-ka iyo Muslimiinta ee ku saabsanaa masaajidkii caanka ah ee Babri oo ay Hindus-ka burburiyeen oo ay doonayeen inay u rogaan macbad.

Maxakamada ugu sarreysa India ayaa xukuntay in dhulka taariikhiga ah ee Masjidka Babri in loo wareejiyo Hindu-ga si ay uga dhistaan macbad iyada oo la siinayo Muslimiinta labo hektar oo dhul kale ah oo lagu dhiso Masjid magaalada Ayodhya, Gobolka Uttar Pradesh, Go’aankan ayaa laga yaabaa inuu sii xoojiyo kala qeybsanaanta diimaha ee Koonfurta Aasiya.

Maxkamadda sare waxay amartay in goobta loo dhiibo hey’ad ka dhista macbad Hindus oo lagu dhisayo shuruudo gaar ah, halka dhul kale oo gaar ah oo kuyaala Ayodhya lagu wareejin doono kooxaha Muslimiinta si ay Masaajid cusub uga dhistaan.

Go’aankan oo ay isla ogolaadeen shanta garsoore ee Maxkamada Sare ayaa go’aamiyay in dhulkii Masjidka Babri oo ay burburiyeen koox xag jir ah oo Hindu ah 1992-dii ay asal ahaan uu ahaa mid Hindus-ku leeyahay isla markaana lagu wareejin doono hey’ad taasi oo maamuli doonto dowladda federaalka wixii hadda laga bilaabo, sidaasi waxaa werisay Bloomberg.

Masaajidka Babri ayaa taariikh ahaan ka soo jeeda qarnigii 15aad magaalada Ayodhya, Waxaa burburiyey Hindus xagjir ahaa sanadkii 1992, kaasoo dhaliyay isku dhac baahsan oo sababay in ay ku dhintaan dad ka badan 2000 qof oo u badnaa Muslimiin.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (7819 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: