Wararka

Roob xoog leh oo ka da’ay dalka Ingriiska oo biyahu ka buuxa waddooyinka oo lagu maro…


Dalka Ingriiska qeybo ka mid ah ayaa daadad galay magaalooyinka kadib markii roobab xooggan ay ka da’een degmada Yorkshire iyo nawaaxiga halka loo yaqaan The Midlands.

Daadadkan ayaa guryaha ugu galay xaafadaha, waxaana sidoo kale ay waddooyinku noqdeen kuwo loogu kala goosho doomo ama ay dadku ku dhex lugeeyaan iyagoo biyuhu u marayaan caloosha.

Gurmad ay dowladdu u fidisay dadka ay arrintani saameysay ayaa waxaa looga daad-gureeyay guryohooda, waxaana loo qeybiyay gargaar gawaari lagu siday.

Ilaa iyo iminka waxaa la soo sheegayaa in musiibadan ay ku dhimatay haweeney da’a ah, sida laga soo xigtay hay’adaha gurmadka ee Derbyshire.

Musiibadan ayaa waxaa ay dhalisay bur-bur hanti iyo mid dhaqaale oo aad u ballaaran, waxaana la soo sheegayaa in meelaha qaar ay kaba go’een isusocodka gaadiidka, marka laga reebo doomaha yar-yar.

Marxalad noocaan oo kale oo waliba aad uga liidata ayaa waxaa ay dhanka Soomaaliya ka taagan tahay magaalada Baladweyne ee gobolkaasi Hiiraan.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (7819 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: