Wararka

Chancellor-ka Jarmalka oo ka qeyb gashay 30-sano guurada ka soo wareegtay dumintii…


Hogaamiyaha Jarmalka Angela Merkel oo ka qeyb gashay dabaaldegga 30-sano guurada kasoo wareegatay markii la riday darbiga Berlin ayaa waxa ay ka digtay in dimuqraadiyadda magac un laga dhigto.

“Ma jiro darbi dad kala celin kara oo misana xaddidi kara xorriyadda… oo aanan la burburin karin,” ayey ku dartay.

Darbiga ayaa waxa uu kala qeybinayay Berlinta Bari ee uu Soofiyeetku maamulayay iyo Galbeedka Berlin ee dhinaca Galbeedka uu maamulayay Jarmalka intii uu socday Dagaalkii Qaboobaa.

Burburkii darbigaas 1989 ayaa waxaa loo arkay guul u soo hooyatay dimuqraadiyadda, waxa ayna horseedday in sanad kaddib uu Jarmalku dib u midoobo.

Sikasta oo uu xaal ahaadase, Mrs Merkel ayaa waxa ay Sabtidii ka digtay in “qiyamka lagu dhisay Yurub – ee xorriyadda, dimuqraadiyadda, sinnaanta, kala dambaynta sharciga, xuquuqda aadanaha – ay yihiin wax cad oo ay tahay in dib loo soo nooleeyo markasta iyo waqti kastana la difaaco.

“Wax marmarsiyo ah oo loo baahan yahay ma jirto si aannu u gudanno qeybta inooga aaddan xoriyadda iyo dimuqraadiyadda,” ayey ku dartay mar ay ka hadlaysay xafladda lagu xusayay Darbigii Berlin.

Dalal badan oo Yurub ah waxaa dhawaanahan soo badanayay kooxaha midig-fog, iyadoo dowladaha wadammada Midowga Yurub sida Poland iyo Hungary lagu eedeeyay inay sharciga wiiqayaan.

Darbigii Berlin ayaa la burburiyay intii uu bartamaha iyo bariga Yurub ka socday kacaankii 1989, kaas oo xilka loogaga xayuubiyay dhowr maamul oo uu wax ku maamuli jiray nidaamkii shuuciga ee Soofiyeetka, kaddib dibadbaxyo iyo dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo waagaasi dhacay.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (7819 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: