Wararka

Iran oo sheegtay in ay soo riday diyaarad aan duuliye laheyn oo dul mareysay dalkeeda…


Wakaaladda wararka ee IRNA oo soo xiganaysa saraakiisha ciidamada ee Iran ayaa faafisay in Milateriga Iran ay soo rideen dayuurad kuwa aan duuliyaha lahayn ah oo mareysay magaalo xeebeedka Mahshahr ee gobolka Khuzestan.

”Waxaa hubaal ah in Dayuuradda la soo riday laga lahaa dal shisheeye, waxaana la helay haraageedii, baaritaan ayaana ku socda”, ayuu yiri Gholamreza Shariati oo ah Mayorka Khuzestan.

Warbaahinta Iran ayaa baahisay in ciidamada ay soo rideen diyaaradda aan duuliyaha lahayn balse wax faafaahin ah kama aysan bixin.

Saraakiisha iyo warbaahinta Iran ma sheegin dalka laga leeyahay diyaaradda, sidoo kale ma sheegin inay ahayd diyaarad milatari ama mid shacab.

Dowlada Mareykanka waxay sheegtay inysan jirin diyaarad Mareykanku leeyahay oo la soo riday balse Amir Mousavi oo ah diblomaasi hore oo Iran u dhashay ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in diyaaradda aan duuliyaha lahayn ee la soo riday ay Israa’iil leedahay taasoo Iran lagu tijaabinayay.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (7819 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: