Wararka

Shariif Sheekh: Dowlada haatan talada heysa haddii aysan joojin dulmiga waan bixineynaa…


Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Shariif Sheekh Axmed ayaa si adag uga hadlay xanibaadihii maanta lagu saaray Garoomada Muqdisho iyo Beledweyne, xili ay gargaar u sideen dadka Fatahaaduhu saameeyeen.

Sheekh Shariif ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay hoygiisa Muqdisho, kaddib markii uu ka soo laabtay Beledweyn waxaa uu sheegay in xaalado adag ay soo martay Muqdisho sida waqtigii ay Burcada hubeysan heysan jireen, xiligii Itoobiyaanka iyo waqti ay halkaasi maamulayeen Shabaab balse looga saaray dagaal adag oo lala galay, sida uu yiri.

Waxa uu Shariifka sheegay in dowladda haatan talada dalka heysa aysan waxba uga duwaneyn kuwii lala dagaalay hadii ay sii wado dulmiga iyo xadgudubka ay wado.

“Magaaladaan Mooryaanaa heysan jirtay sow maaha, waa lala dagaalamay waa la raacdeeyay mise waa beentey, Itoobiyaanaa soo galay maxaa lagu sameeyay waa la eryay, Shabaabaa qabsaday, Maka xoog badan yihiin dadkaan?” ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.

Waxa uu hadalkiisa sii daba dhigay “Walaahi Thuma Walaahi, Walaahi Thuma Walaahi, Walaahi Thuma Walaahi hadeysan joojin waan bixineynaa” ayuu yiri iyadoo mar kaliya goobta ay is qabsatay Sacab iyo mashxarad ay muujinayeen dadkii uu la hadlayay.

Si kastaba, Shariifka iyo Xasan Sheekh oo ka wada tirsan Madasha Xisbiyada Qaran waxay Magaalada Baledweyne u tageen, sidii ay gargaar u gaarsiin lahaayeen dadka ay saameeyeen waxyeelada ka dhalatay fatahaadaha, xilli toddobaadkii hore ay iclaamiyeen in laba boqol kun oo dollar, ay ugu talagaleen inay kaga qayb qaataan gurmadka fatahaadaha.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (7819 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: