Wararka

Wafdi ay hogaaminayaan M/weynayaashii hore oo gaaray magaalada Beledweyne si ay…


Waxaa Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne ka degtay diyaarad ay la socdeen wafdi ay horkacayaan madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed oo ku mideysan madasha Xisbiyada Qaran.

Wafdiga waxaa Garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay mas’uuliyiinta ugu sareysa maamulka Hirshabeele, guddoomiyaha gobolka Hiiraan iyo dad ka kooban qeybaha kala duwan ee bulshada oo saacadihii la soo dhaafayba ku sugnaa Garoonka diyaaradaha magaalada Beledweyne.

Inkastoo diyaaradan ugu danbeyntii ay ka degtay magaalada Beledweyne ayaa haddana warar soo baxaya sheegayaan in dhowr jeer dib uga laabtay kaddib markii ay weysay xiriirkii guud, tasoo keentay in ay u jiheysato dhinaca magaalada Muqdisho, balse markii danbe la xaliyay sababihii markii horeba keenay in ay degi -weydo diyaarada oo ilaa iyo hadda aan la sheegin.

Madasha Xisbiyada Qaran ayaa qeyb ka ah gurmadka loo sameynayo dadka ay fatahadu ku dhufatay, waxaana socdaalkan wafdiga ay horkacayaan madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya uu noqonayaa mid loogu kuurgalayo xaalada guud ahaan magaalada iyo sida ay fatahaadu u saameysay bulshada.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (10656 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: