Wararka

Ma la dhihi karaa dilkii Cusmaan Ibnu Cafaan inuu sababay fitnadii weyneyd ee Muslimiinta?…


Waxaa jira sheekooyin badan oo ku saabsan nolosha Cusmaan ibnu Cafaan iyo sidii loo dilay, laakin waxaan soo qaatay sheekada loogu badan yahay oo la isku raacsan yahay, laakin Allah Subxaanuhu wa tacaalaa ayaa og siday wax u dhaceen.

Cusmaan ibnu Caffan ibnu Abii al-Aas ibnu Umayyah ibnu Abd Shams ibnu Abd al-Manaf ibnu Qusay ibnu kilab, wuxuu ahaa khaliifkii saddexaad iyo Amir ul Mu’miniin, wuxuu ahaa nin xishood iyo edeb badan, hadal fiican, weji wanaagsan, carab wanaagsan, dhoola cadeyn badan, wuxuu ahaa abuurista ugu fadliga badan waqtigii Jaahiliyada iyo kii Islaamka-ba, weligiis khamri ma cabin waqtigii jaahiliyada xataa, mana u sajuudin sanam weligiis, mana ku dhicin xumaan weligiis sida la soo xigtay.

Wuxuu ka mid ahaa dadka aad u yaqaanay abtirsiinyada Carabta, maahmaahdooda, akhbaartooda, xukunkooda, wuxuuna ka mid ahaa dadka ugu fiican ee Qureysh ka soo baxa, wuxuu ahaa qof hodon ah, wuxuu guursaday sideed xaas, dhamaantoodna Islaamka kadib ayey ahaayeen, waxaa u baxday naaneysta aheyd “Zul Nureyn” waayo wuxuu guursaday labo gabdhood oo Rasuulka dhalay, lama siinin hortiisa qof iyo gadaashiisa-ba, wuxuu guursaday Ruqiya, markay ka dhimatay wuxuu guursaday Umu Kaltuum.

Wuxuu ahaa dadkii ugu horeeyey ee gala diinta Islaamka Abu-Bakar, Cali iyo Zeyd bin Xaarith kadib asaga oo jiray 34 sano, Muslimiinta ayaa ku farxay Islaamnimadiisa farxad aad u weyn, Ilaahay wuxuu ku sharfay inuu guursado gabadhii Rasuulka Ruqiya, laga soo bilaabo maalintii ugu horeysay ee uu qaatay Islaamka wuxuu rafiiq la noqday Rasuulka, mana faarujin jirin ilaa uu hijroodo ama safar Rasuulka idmay aado ama howl loo diro, wuxuu wax ku bartay Iskuulka Rasuulka ee cilmiga iyo aqoonta nolosha oo dhan.

Cusman ibnu Cafan ayaa ahaa Amir ul Mu’miniin 12 sano, lixdii sano ee u horeysay xukunkiisa qofna lagama aargudan, wuxuu ahaa qof reer Qureysh ay aad uga jeclaayeen Cumar oo ahaa nin adadag oo ku adag adkeynta shuruucda Eebe, laakin Cusman wuxuu doorbidi jiray inuu galo wadahadalo, wuxuu ahaa nin naxariis iyo dhowrsanaan badan, hadaba waqtigiisa ayaa nasiib daro dhacday fitno taasi oo keentay in lagu dilo, taasi oo sabab looga dhigay isbedelka bulshada, gaarista barwaaqo iyo kheyrkii iyo hab nololeedkii oo kor u kacay, maalkii oo batay dadka waxay noloshooda raacsiiyeen adduunka, taasi oo qaribtay aakhiradooda, oo dhaqaajisay cadaawad dhexdooda ah.

Shakhsiyadda Cusmaan wuxuu ahaa hogaamiye, oo laga dhaxlay cilmi badan, karti, hagid, waxbarasho, jilicsanaan, xishood, habdhaqan fiican, iyo la saaxiibnimada dadka khibrada iyo kartida lahaa, Bayaankaan wuxuu ku dhameystay 11 sano noloshiisa, noloshiisa ayaa aheyd Cusman Ilaahay haka raalli noqdee bog sharfan ee taariikhda Ummada, wuxuu ummada ku mideeyey aqrinta Qur’aanka Kariimka, wuxuu asxaabta kala talin jiray arrimo kala duwan asaga oo adeegsan jiray fahamkiisa diinta Islaamka iyo xiriirka weyn uu la lahaa Allah iyo raacida jidka hanuunka ee Rasuulka Alle nabad gelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee.

Siyaasadiisa – Allah ha ka raalli noqdee waxay aheyd naxariis, dulqaad, la tashi, xaqiijin, in nadaafada caqliga in lagu sifoobo, cadaalad. Khudbaddiisii ​​ugu dambeysay ee Cusman wuxuu ahaa kulankiisii ​​ugu dambeeyay ee uu la yeesho muslimiinta kadib toddobaadyo uu ku jiray go’doomin, wuxuu ku yidhi : “Dadka reer Madiina waxaan idinkaga tegayaa Eebbe, waxaanan ka baryayaa inuu idiin wanaajiyo khaliifka iga dambeeya. Waxaan Wallaahi ku marayaa inaanan qofna geli doonin maanta kadib ilaa Allah ka oofsado wuxuu doonayo, uguma yeerayo khawaarijta albaabka gadaashiisa, waxbana ma siinayo, waxay idinka qaadanayaan deyn ama adduunyo ilaa ay ka ahaato, ilaahay baa abuura waxa aan jecelnahay”.

Maalintii ugu dambeysay go’doominta oo ah maalinta la dili doono, wuxuu ku riyooday Rasuulka markaasi ayuu yiri “waxaan arkay Nabiga oo la socda Abu-Bakar iyo Cumar, Nabiga ayaa ku yiri Cusmaanow kaalay nala afur, waayo wuu soomanaa, maalintiina waa la dilay, taasi waxay daliil u tahay inuu odorosay soo dhowaashaha ajashiisa, oo u tagayo Rasuulkii Allah, Saxaabada iyo dadkii uu jeclaa.

Qaabka loo dilay Cusmaan, waxaa gurigiisa soo weeraray mucaarad ama khawaarij, waxay la kulmeen koox asxaabta ka mid ah oo difaacayey khaliifkooda, laakin isagu Allaha ka raalli noqdee , wuu u yeeray, wuxuuna ku yiri Allah Allah, idinku waxaad hor taagan tihiin dadkii ii gargaarayey, wey ka diideen, waayo wuxuu ogaa oo ku kalsoonaa inuu shahaado ku dhimanayo oo marag u noqonaya oraahdii Nabiga, wuxuu doonayey inaanan u daadan dhiigga Muslimka dartiisa, halkaasina ay ka bilaabato fitno Muslimiinta dhexdooda ah.

Mucaaradka ama khawaarijta ayaa gubay albaabka, saqafka iyagoo reerkii guriga dhex joogay ka dhiidhiyey howshaasi, Cusmaan ayaa dukanayey, raggii baa isku dayey inay difaacaan Khaliifkooda intii karaankooda ah, wuxuu ugu yeeray inay iska tagaan iyadoo dhiig daadan, wuxuu sii watay salaadiisa asaga oo aaqrinaya Suuratu Taha qalad la’aan, joogjoogsi la’aan iyo cabsi la’aan, shik shik la’aan, wuxuu dareemayey inuu Allah ilaalinayey, wuxuu aaminsanaa inuu ku jiro gacanta rabigii abuurtay, Cusmaan ayaa ku guuleystay inuu ku qanciyo ilaaladiisa inay ka baxaan guriga, halkaasi oo ay noqotay inaanan loo dhaxeyn asaga iyo cadowga, wuxuu furay albaabka guriga, wuxuu gacanta ku qabsaday kitaabka Qur’aanka, waqtigaasi wuu soomanaa, wuxuuna aqrinayey Qur’aan, waxaa u soo galay mid ka mid ah khawaarijta, markay indhaha isa saareen wuxuu u sheegay in dhexdooda uu ku jiro kitaabkii Allah, ninkii waa iska noqday, waxaa u soo galay in jirkiisu madow yahay kii ayaana dilay, waxaa la dilay asaga oo gacmaha ku heysta kitaabkii Allah oo sooman.

Khawaarijta ayaa gaaray muraadkooda ama hadafkooda, waxay dileen Amir Mu’miniinka sanadkii 35aad ee Hijriyada, maalin Jimco ah asaga oo jiray 82 sano, Asxaabtii ayaa murugootay iyo dadkii wanaagsanaa ee magaalada ee dhimashada khaliifkooda, qaar ka mid ah saxaabada ayaa dhaqay oo kafaniyey weyna qaadeen, waxaa ku tukaday Zubeyr bin Cawam, waxaana la aasay habeenkii inta u dhaxeysay Maqrib iyo Cisho dhexdooda.

Waxaanna markaasi kadib bilaabatay fidnidii weyneyd ee dhex martay Muslimiinta sida Cali iyo Mucaawiya Ilaahay raalli haka wada noqdee. والله اعلم

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (7964 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: