Wararka

Warbixin laga diyaariyey Qaxooti la geeyey dalka Rwanda oo lagu sheegay in Qaxootigaasi la siray…


Warbixin soo shaac baxday oo laga diyaariyay tahriibayaal 180 gaaraya ee la geeyay dhawaan dalka Rwanda islamarkaana laga daad-gureeyay dalka Libya ayaa waxaa ay sheegeysaa in Qaxootigaasi la siray.

Qoxootigan oo ay ku jiraan Soomaali ayaa waxaa ay u haysteen in loo waday dal ka mid ah dalalka Yurub oo ay horayba ugu haminayeen in ay qaab tahriib ah ku gaaraan, balse waxaa ay sheegeen in dib loogu celiyay kaam kale oo ku yaal Afrikadii ay gaajada iyo colaadaha uga soo carareen.

Midowga Yurub ayaa heshiis kula galay dowadda Rwanda sannadkii 2017-ka in ay gabbaad siiso qoxootiga ama tahriibayaasha Afrikaanka ah ee ku sugan Libya, waxaana magaalada Gashora ay uga hirgelisay kaamam waaweyn oo ay kharashkiisa bixiso.

Qoxootigan oo tiro ahaan la sheegay in ay gaarayaan 30-kun, ayaa waxaa raacii ugu horreeyay oo ka kooban 189 ruux la geeyay dalka Rwanda bilo ka hor, waxaana u badan caruur iyo dhallinyaro, sida ku cad warbixinta.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (8008 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: