Wararka

Aasaasaha Microsoft Bill Gates oo ku soo noqday carshiga qofka ugu taajirsan adduunka…


Aasaasaha Shirkadda Microsoft Bill Gates ayaa ku soo noqday carshiga qofka dunida ugu taajirsan Jimcihii kadib markii uu dhinac isaga riixay Agaasimaha shirkada Amazon Jeff Bezos.

Sida laga soo xigtay Bloomberg World Billionaires Index, hantida Gates ayaa ah $ 110 bilyan.

Gates wuxuu awooday inuu gaaro booskan kadib markii saamiyada Microsoft ay sare u kacday ku dhawaad ​​48% sanadkan, taas oo riixday qiimaha lahaanshihiisa ee shirkadda iyo in bishii Oktoobar ee sanadkii hore Microsoft ay ku guuleysatay qandaraas cloud computer ah ee Wasaarada difaaca ee Pentagon wuxuu ku kacay $ 10 billion, waxaa kula tartamay Shirkada Amazon.

Dhanka kale, Bezos waxaa lagu qasbay sanadkaan inuu ka tanaasulo qeyb weyn oo saamiyadiisa ah oo shirkada Amazon isagoo ku xalilay kiiskii furriinka ee xaaskiisa Mackenzie Bezos kadib guur soo jiray 25 sano, hantidiisa ayaa haatan ah 108.7 bilyan doolar.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (8008 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: