Wararka

Dagaalyahano ka tirsan al-Shabaab oo gaaray deegaan hoos taga degmada Cadaado…


Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo wata gaadiid dagaal ayaa maanta gaaray degaan lagu magacaabo Qaayib oo qiyaastii 90-Km bari kaga toosan degmada Cadaado.

Saraakiisha Al-Shabaab ayaa dadka degaanka Qaayib u sheegay inay u yimaadeen sidii ay Maxkamad uga furi lahaayen degaanka.

Waa markii ugu horeysay oo Al-Shabaab ay tagaan degaanka Qaayib oo hoos taga degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud, waxayna dadka reer Cadaado si weyn u hadal hayaan imaatinka Al-Shabaab ee degaankaas.

Maamulka Galmudug, Saraakiisha ciidamada dowladda wali kama aysan hadlin arrinta degaanka Qaayib oo maanta Al-Shabaab ay soo sal dhigteen.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (8008 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: