Wararka

Wasiirka Cadaalada Somalia oo ugu baaqay shacabka inaysan cadaalad iyo garsoor u doonan…

Hassan Hussein Haji, Somalia's Minister of Justice and Judiciary Affairs, addresses participants during a ceremony to mark the International Anti-corruption Day held in Mogadishu on 09 December 2018. UN Photo / Ilyas Ahmed

Wasiirka Cadaallada ee Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in aysan cadaallad iyo Garsoor u doonan deegaannada ay maamulaan Al-shabaab.

Wasiirka ayaa dhinaca kale ugu baaqay garsoorayaasha Soomaaliyeed in ay hagaajiyaan adeegga Garsoor oo ay bulshada u hayaan si ay u kasbadaan una soo jiitaan dareenka Shacabka ay ka qabaan hay’addaha cadaallada Dowladda Soomaaliya.
‘’Shacabka Soomaaliyeed waxaa muhiim ah in aysan cadaallad ka raadin kooxda Al-Shabaab inta laga hagaajinayo hay’addaha garsoorka Soomaaliyeed’’ ayuu yiri Wasiirka.

Wax-yaabaha la fahansan yahay in ay dadka ku dhiirogeliso in ay u cadaalad doontaan Al-Shabaab waxaa kamid ah Garsoorayaasha maxkamadaha dowladda oo qaarkood qaata laaluush, taasi oo keenta inay kaga eexadaan dacwadooda.

Dadka ku dhaqan deegaannada ay maamusho dowladda Soomaaliya ayaa intooda badan garsoorka iyo xukunka u aada deegaannada ay maamulaan Al-shabaab, iyaga oo u arka maxkamada ay gacanta ku hayaan Al-shabaab kuwa dadka loogu kala saaro si cadaallad ah.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (8008 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: