Wararka

Xagee ka kasbadaan Jilayaasha aflaamta caalamiga malaayiinta dollar ee soo gasha?…


Dadka jecel aflaamta ayaa had iyo jeer is weydiiya wadada ay ku kasbadaan xiddigaha aflaamta caalamiga malaayiinta dollar ee doorarkooda, lacagta ay helaan jilayaasha ma mushaarkooda oo keliya miyaa mise doorka ay ka matalayaan filimka, mise waxaa jiraa lacago kale oo meelo ay ka helaan sida iibinta filimka, iyo saameynta daawashada filimka.

Waxaan idinla gorfeynayaa halka dhabta ah ay ka timado lacagahaasi,waxaan iska kiin barbar dhigeynaa sida ay u kala qaateen mushaarkooda labadii sano ee la soo dhaafay.

Qoraa Gabriel Snyder ayaa ku sharaxay maqaal ku soo baxay (gawker.com) 4tii february 2009, in xiddigaha Hollywood la siiyo lacag hormaris ah markay saxeexaan qandaraaska filim cusub. Boqolkiiba faa’iidooyinka waxaa la bixiyaa kadib doollarkii ugu horreeya ee ay soo xareyso shirkada soo saarta kadib markii ay hesho dhammaan qarashkii uga baxay filimka.

Toban sano ka dib, wax badan isma bedelin, laakin waxay umuuqataa in dakhliga khaaska ah ee xiddigaha ay labalaabantay. bishii Luuliyo ee la soo dhaafay majalada caanka ah ee Forbes ayaa iclaamisay in filimka (Avengers endgame) uu helay maksab dhan 2.5 bilyan dollar sanadka 2019.

Top 2019
Isku soo wada duuboo, waxaan ku soo koobeynaa sida ay xiddigaha Hollywood lacag ugu helaan jilida aflaamta, natiijada ayaa ah lacag hormaris ah oo lagu sheego heshiiska oo lagu daray faa’idada oo qeyb laga siiyo xiddigaha waaweyn, oo lagu daray faa’idada gaarka ah ee iibinta xuquuqda filimka oo laga iibiyo telefision-da iyo shirkadaha diyaaradaha, iyo dalabka gaarka ah ee daawashada dadweynaha.

Laakiin gaar ahaan, haddii aan go’aansanno in aan soo bandhigno xiddigaha ugu mushaharka badan sannadka 2019, darajada ayaa noqon doonta sida soo socota, sida lagu daabacay majaladda “Variety” ee Mareykanka:

Ryan Reynolds oo helay $ 27 milyan, filmkiisa “6 Underground” oo soo saartay Netflix.
Dwayne Johnson “The Rock” $ 20 milyan qaybta cusub ee taxanaha ah “The Fast and the Furious” oo ay soo saartay Universal Studios.
Robert Downey Jr. oo helay $ 20 milyan oo uu ka helay jilidiisa “The Voyage of Doctor Dolittle”. oo soo saartay Univeral Studios.
Will Smith oo helay $ 17 milyan oo uu ku helay jilidiisa “Bad Boys for Life”. oo soo saartay Sony.
Jason Statham oo helay $ 13 milyan oo ku helay jilidiisa “The Fast and The Furious” oo soo saartay Universal Studios.
Tom Cruise oo helay $ 12 milyan oo ku helay jilidiisa “Top Gun: Maverick” oo soo saartay Paramount.
Emily Blunt oo heshay $ 12 milyan oo ku heshay jilideeda “A Quiet Place 2” oo soo saartay Paramount.
Leonardo DiCaprio oo helay $ 10 milyan oo ku muteystay jilidiisa “Once upon a Time… in Hollywood” oo soo saartay Sony.
Brad Pitt, oo helay $ 10 milyan oo ku muteystay jilidiisa “Once upon a Time…in Hollywood” oo soo saartay Sony.
Gal Gadot oo heshay $ 10 milyan oo ku heshay jilideeda “Wonder Woman 1984” oo soo saartay Warner Bros.
Margot Robbie oo heshay $ 9 milyan oo ku heshay jilideeda “Birds of Prey” oo soo saartay Warner Bros.
Idriis Alba oo helay $ 8 milyan oo ku helay jilidiisa “The Fast and Furious” oo soo saartay Universal Studios.
Ben Affleck oo helay $ 8 milyan oo ku helay jilidiisa “Triple Frontier”oo soo saartay Netflix.
Christine Stewart oo heshay $ 7 milyan oo ku heshay jilideeda ” The Angels of Charles” oo soo saartay Sony.
Martin Lawrence oo helay $ 6 milyan oo ku helay jilidiisa “Bad boys for life” oo soo saartay Sony.
Joaquin Phoenix oo helay $ 4.5 milyan oo ku helay jilidiisa “Joker” oo soo saartay Warner Bros.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (7964 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: