Wararka

Siyaasiyiinta Madasha Xisbiyada oo faahfaahin ka bixiyey kulankii ay la yeesheen…


Siyaasiyiinta Madasha Xisbiyada Qaranka ayaa waxay faah faahin ka bixiyeen waxyaabaha ka soo baxay kulankii ay maanta Magaalada Muqdisho kula yeesheen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweyne-yaashii hore ee dalka, Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud.

Xasan Sheekh Maxamuud oo Warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in Madaxweynaha Somaliya ay isku waafaqeen inaanan wax muddo kordhin ah loo samaynin hay’adaha dowladda, isla-markaana ay doorashooyinka ku qabsoomaan xilligii loogu talagalay.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in la isku raacay in si wadajira looga shaqeeyo arrimaha doorashooyinka, iyadoo ay kaalin ku yeelanayan Xisbiyada Dalka iyo Maamul Goboleedyada.

Waxaa uu soo hadal qaaday arrimaha amniga ee dalka, isagoo sheegay in la isku waafaqay inaanan la siyaasadayn shaqada Ciidamada Dowladda, isla-markaana aanay ciidamadu taageerin cid gaara.

Isagoo soo hadal qaaday Gobolka Banaadir ayaa wuxuu ka dhawaajiyay in Madaxweyne-yaashii hore ee dalka ay Madaxweynaha maanta kala hadleen, sidii uu maqaam ku yeelan lahaa Gobolka Banaadir.

Dhanka kale Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka tirsan Madasha Xisbiyada Qaranka ayaa dhankiisa sheegay in qodobada la isla meel dhigay ay ka mid yihiin

In Madaxweyne Farmaajo ka garaabay arrimihii ka dhashay safaradii Kismaayo iyo Beladweyne.

In Doorashada Dalka waqtigeeda ku dhacdo , lagana hishiiyo qaabka Iyo nooca Doorashada u dhaceyso 2020-2021 .

In La ilaaliyo Xoriyaadka iyo xaquuqda Muwaadinka Soomaaliyeed.

In la ilaaliyo Dastuurka iyo Sareynta sharciga .

In aanan arrimaha amniga la siyaasadeyn , meelna looga Soo wada jeesto dagaalka lagula jiro Al Shabaab. In ciidamada amniga sidoo kale ay ku dhexmilmin siyaasadda.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (7961 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: