Wararka

Farmaajo oo Villa Somalia ku qaabilay Wiil horey Hargeysa loogu xiray dareyska Calanka…


Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynaha Somalia ayaa wuxuu xalay Qasriga Madaxtooyada uu ku qaabilay wiil dhalinyaro ah, oo Magaalada Hargeysa loogu xiray, asaga oo xiran dareys ka samaysan Calanka Somalia.

Ciidamada Booliska Somaliland ayaa bishii May Cabdiraxmaan Maxamed Cali (Aar) ku xiray Magaalada Hargeysa, xilli uu xirnaa dareys lagu suntay Calanka Baluugga ee Somalia.

Qoraal kooban oo lagu daabacay bogga Villa Somalia ay ku leedahay Shabakadda Facebook ayaa waxaa lagu sheegay in Madaxweynaha Somalia uu wiilkaasi dhalinyarada ah guddoonsiiyay Astaanta Qaranka.

Qoraalkan ayaa u qornaa sidatan: Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed ‘Farmaajo’ oo caan ku noqday jacaylka iyo qaddrinta Calanka Soomaaliyeed ku maamuusay guddoonsiinta astaanta Qaranka kaddib markii uu kulan dhiirrigelin ah kula qaatay Villa Somaliya.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (8008 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: