Wararka

Guardiola oo ah tababaraha ugu mushaarka badan Premier League oo haatan Mourinho…


Mourinho ayaa dib ugu soo laabtay tartanka hoyaalka Premier League isagoo markan u yimid kooxda Tottenham Hotspur, wuxuu noqday tababarihii labaad ee ugu qaalisanaa Premier League marka loo eego qandaraaskiisa cusub, kaasoo siinaya labo jibaar mushaharkii uu qaadan jiray tababarihii ka horeeyay Mauricio Pochettino.

Tottenham ayaa ku dhawaaqday subaxnimadii Arbacadii inay la saxiixatay heshiis Mourinho ilaa iyo dhamaadka xilli ciyaareedka 2022-2023, isagoo bedelaya Pochettino, kaasoo shaqada laga ceyriyay hoos u dhaca ku yimid natiijooyinka Spurs darteed.

Sida ay qortay jariidada Ingiriiska ee Daily Mail, Mourinho ayaa Tottenham ka qaadan doona 15 milyan ginni sanadkii (qiyaastii 17.5 milyan euro), oo labanlaab ah wixii Pochettino ay siin jirtay Spurs.

Waxay tilmaamtay in tani ay tahay markii ugu horreysay oo ay Tottenham la saxiixato tababare awood waaweyn leh sida Mourinho oo kor ula qaaday kooxihii uu soo leyliyey (25 koob) sidaas darteedna kooxda reer London u bixisay mushahar aad u badan.

Mourinho ayaa noqon doona qofka qaata mushaharka labaad ee ugu sarreeya Premier League ka dib markii laga reebo tababaraha Manchester City Pep Guardiola, oo sanadkii qaata 20 milyan ginni (qiyaastii 23 milyan euro).

Waxaa xusuus mudan in Tottenham ay haatan ku jirto kaalinta 14aad ee Premier League iyagoo leh 14 dhibcood oo 20 dhibcood ka danbeeya kooxda hogaanka heysa ee Liverpool.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (8008 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: