Wararka

Sidee Cali Ibnu abu Talib ula wareegay khilaafada kadib dilkii Cusmaan bin Cafaan?…


Istishhaadida Cusmaan kadib, Allah ha ka raalli noqdee, Cali wuxuu ku nagaaday gurigiisa, waxaa u yimid dadka oo ordaya oo leh: Amiir ul mu’miniin Cali, ilaa ay gurigiisa galeen oo dhaheen: waan ku baayacnay, adiga ayaa xaq u leh, Cali wuu diiday in uu qabto khilaafada, laakiin dadka ayaa ku soo batay gurigiisa, waxayna xambaariyeen in uu qaado mas’uuliyada Ummada si looga badbaadiyo fitnada, wuxuu shardi ka dhigay in arrinta la dhex dhigo dadka oo jooga Masjidka, iyo ogolaanshaha dadka reer Badar, cidina kama soo harin dadka reer Badar.

Aqbalaada Cali ee baayacada:

Markuu arkay sidaasi Cali wuxuu u soo baxay Masjidka wuxuuna fuulay manbarka wuxuuna u shukriyey Allah, wuxuu amaanay waxa ay ku sugan yihiin dadkiisa wuxuuna yiri: (Dadyow ma waxaad igu raacsan tihiin inaan amiir idin noqdo? waxaa markiiba manbarka fuulay Dalxa oo siiyey baayacada asaga oo gacan geliyey, waxaa ku xigsaday Zubeyr, Sacad iyo asxaabtii Rasuulka Nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee.

Maxaa u dhaxeeyey Cali iyo Macaawiya?:

Waxay ahayd wax dabiici ah inuu xiriir is weydaarsi ka dhaxeeyo Khaliifka iyo waaliyada xukuma gobolada, ma aheyn diidmada Macaawiya inuu baayaco Cali mid kama dambeys aheyd, waxay aheyd mid ku meel gaar ah ilaa laga keeno dadkii dilay Cusmaan, dadka reer Shaam ama Syria iyo ummada oo dhan waxay qabaan xanuun in la daahiyo qisaasta raggaasi, sida uu sheegay qofkii wakiilka ka ahaa Macaawiya, wuxuu yiri, waxaan ka soo tagey lixdan kun oo sheekh oo ku ooynaya qamiiska Cusmaan hoostiisa, waxay ugu labiseen manbarka Dimishiq, waxay markaasi ku eedeynayeen Cali inuu dib u dhigay amarka lagu qisaasayo raggaasi dilay Cusmaan bin Cafaan, laakin Cali ayaa iska fogeeyey dhiigga Cusmaan, Cali ayaa u arkay dib u dhigista amarka qisaasta raggii dilay Cusmaan oo ma awoodin inuu helo kuwii dilay Cusmaan, wey badnaayeen, xaalada Ummadana weli ma deganeyn, laakin Macaawiya ayaa ku adkeystay inuu u aargooyo Cusmaan marka hore inta aanu bixin baayacad, waxaa lagu guul dareystay in la isku soo dhoweeyo Cali iyo Macaawiya, arrintaasi waxay horseeday in la isu adeegsado ciidamo oo dhiiga Muslimiinta meeshaasi ku daato sanadkii 37 Hijriyada/657 miilaadiga (موقعة صفين) iyo dagaalkii kale ee ka horeeyey oo dhacay sanadkii 36 hijriyad/ 656 miilaadiga (موقعة الجمل).

Umm Mu’miniin Caa’isha bint Abu-Bakar, Allaha ka raalli noqdee ayaa waxay ogaatay dilka Cusmaan bin Cafaan iyo xakameynta khawaarijta iyo rabsho wadayaal magaalada Madiina, kadib markii dad ka baxay Madiina iyo meelo kale ay soo booqdeen, oo ka mid ahaa Dalxa iyo al- Zubair iyo waaliyayaal taabacsanaa Cusmaan bin Cafaan, iyada oo ku sugneyd markaasi Makkah.

Dhammaantood waxay isku raaceen oo ugu horeyso Caa’isha, Dalha iyo al-Zubair in ay daruuri tahay isugu keenida bulshada Muslimiinta hal sharci si ayna u khalkhal gelin kadibna isu dilin, taasi waxay xujo uga dhigteen aayada Allah oo oroneysaa sida soo socota: (لا خير في كثير من نجواهم الا من امر بصدقة او معروف او اصلاح بين الناس).

Iyagoo taasi ka duulaya ayey ka dhaqaaqeen magaalada Basra, si loo xukumo kuwii dilay Cusmaan, sababta ay u aadeen ayaa lagu sheegay laba arrimood:

Midda koowaad in la dalbado dhiigga Cusmaan, kuwa dhex dhigay ummada fitnadan gacan bir ah lagu qabto, si ay ugu noqoto ciqaab iyo ka fogaanta shartooda oo ku faaftay guud ahaan Ummada, sii socoshada arrintaasi ayaa abuurtay in ugu dambeyn ku dhamaato dilka khaliifkii afraad Cali bin Abi Taalib Allah raalli ha ka noqdee.

Midda labaad, dib-u-midaynta Ummadda, loogu yeero nabadeyn, iyada oo loo marayo Umm Mu’miniin Caa’isha, oo ay weheliyaan qaar ka mid ah asxaabta Rasuulka Allah, sababta oo aheyd maqaamkeeda, iyo dadka oo aad u adeecayey.

Markii Cali uu ka war helay wararka ku saabsan in asxaabu jamal ay joogaan Magaalada oo horey u aadeen Ciraaq, wuxuu soo aaday dhinacooda asaga oo rajeynaya inay dareemaan isla markaana ay u jawaabaan, wuxuu ogaaday in ay horey u tageen magaalada Basra.

Wuxuu sal dhigtay asaga iyo dadkii la socday meel u dhow magaalada, wuxuuna u diray farriintiisii ​​asxaabu Jamal, wuxuuna ogaaday inay u baxeen islaax ama nabadeyn iyo isu-keenid ummadda iyo dalbashada in la qisaaso khawaarijtii dishay Cusmaan, taasi oo aheyd waxa uu doonayo inuu gaaro, labada garab ayaa waxay ku heshiiyeen inay kulmaan oo ay iska kaashadaan sidii arrimahaasi loo fulin lahaa, laakiin khawaarijtii dishay Cusmaan iyo kuwii kale ee hareereeyay Magaalada Madiina oo sababay fitnada, ayaa waxay qaribeen heshiiskaasi, iyagoo dhexda ka galay labada kooxood si ay isaga hor keenaan iyadoo taasina u hirgashay, halkaasina waxaa ka dhacay dagaal labada kooxood dhex maray.

Dagaalka kadib, Imaam Cali ayaa wuxuu la kulmay Caa’isha, wuuna ka qoomameeyay wixii dhacay wuxuuna ku dhawaaqay in iyaga iyo dadka daacada u ah aysan dooneynin in la is dilo, ka dibna Cali wuxuu sharfay Caa’isha iyo dadkii la socday, wuxuu u diyaariyey in ay noqdaan wuxuuna ku daray tiro dumarka Basra ah in ay horey u sii raacaan.

Markii Khilaafada banaanaatay, Cali bin Abii Talib, oo ka yimid mowqifka geela waxay noqotay inuu aado Muawiya bin Abii Sufyan oo ku casuumay inuu soo galo addeecidiisa iyo baayacadiisa, Cali ayaa wuxuu u arkay in Macaawiya lama huraan tahay inuu u hogaansamo amarka Khaliifka, iyo inuu baayaco sida dadka kale u baayaceen si nabadgelyo ama dagaal, laakin Macaawiya ayaa diiday inuu siiyo mubaayacada ilaa laga fuliyo qisaasta raggii dilay Cusmaan bin Cafaan ama Cali inuu asaga u soo gacan geliyo, taasina ma aheyn awooda Cali, sida uu qabay Cali in arrinta xoogay dib loo dhigo si uu u maareeyo, laakin Macaawiya ayaan raalli ka noqon in dib loo dhigo gebi ahaanba.

Macaawiya ma baayacin Cali

Cali ibnu Abii Daalib wuxuu qaatay wadadii nabada marka hore isagoo ku casuumay Muawiya inuu adeeco baayacadana siiyo, wuxuu u diray akhyaar badan kadib markii ay soo dhamaatay موقعة الجمل, akhyaarta loo diray waxaa ka mid ahaa Jariir bin Cabdalla, laakin Macaawiya ayaa diiday dalabkaasi kuna adkeystay in kuwii Cusmaan dilay la dilo ama asaga lagu soo wareejiyo, sidaasi ayuu u diray Mawaaciya Cali, waxaa mar kale loo diray Macaawiya abu Muslim al-Khawlani isla sidii inuu adeeco oo baayacada siiyo, sidoo kale Macaawiya ayaan waxba iska bedelin mowqifkiisa.

Sida taariikhyahanadu ay sheegeen, Macaawiya ayaa kulmiyey dhammaan asxaabta ra’yiga oo ka tirsan saxaabada ee ku sugnaa Shaam iyo hogaanka ciidamada wuxuu kala tashaday arrimaha Cali ugu yeerayo, ra’yigooda ayaa ahaa sida uu macaawiya ku yiri Cali oo aheyd in la dilo kuwii dilay Cusmaan ama loo soo gacan geliyo Macaawiya.

Imaam Cali wuxuu arkay kadib markii uu ku fashilmay jidka nabada ee Macaawiya inuu ku siiyo baayacada aanu jirin jid kale in lagu muquuniyo Macaawiya xoog mooyaane, waxaa halkaasi ka dhacay ( موقعة صفين) oo dhacday bishii Safar sanadkii 37aad ee hijriyada, kadib wareegyo dhowr ah oo dagaalo ahaa, kadib waxaa kor loo qaaday kitaabka Qur’aanka kariimka waxaana loogu baaqay nabad.

Kadib markii uu joogsaday dagaalkii ka dhaxeeyey ciidamada labada nin ee Macaawiya iyo Cali, ciidankii Cali ayaa wuxuu u qeybsamay seddax qeybood, qeyb iska aaday magaalooyinkii ay ka yimaadeen iyo guryahooda, iyo qeyb sugtay waxa ay ku dhamman doonto arrinta iyo qeybta kale oo la dagaalay Cali kadib markii ay ku xukmiyeen gaalnimo, waxay dalbadeen inuu sidaasi iclaamiyo kana towbad keeno.

Imaam Cali ayaa ku qasbanaaday inuu la dagaalo khawaarijta, kadib markii ay faaftay khatartooda kuna eedeeyeen kufrinimo, isla markaana diideen in ay soo galaan daacadiisa, arrintaasi ayaa dhacday bishii Shacbaan sanadkii 38 Hijriyah.

Inta ka hartay khawaarijta ayaa qorsheeyey in ay dilaan seddaxda hogaamiye ee kala ah Cali bin abu Talib, Macaawiya bin abu Sufyan iyo Camr bin Caas, iyaga oo uga aargudaya walaalahooda, wadankana uga raaxeeyaan dhibkooda, waxay ku sheegeen in ay sabab u ahaayeen dhammaan wixii dhacay ee fitno aheyd, mid kasta oo iyaga ka mid ah wuxuu ballan ku qaaday mid ka mid ah saxaabada seddaxda ah inuu dilayo, Caburaxman bin Muljim ayaa yiri aniga ha la iigu daayo Cali bin abu Talib, halka al-Barak bin Cabdalla uu sheegay inuu khaarijinayo Macaawiya, sidoo kale Camr bin bakar oo sheegay inuu khaarijinayo Camr bin Caas, sidaasi ayey u kala qaateen doorarkooda.

Ma gelin ajasha kuwa kale ilaa tan Cali bin abu Talib mooyee, waxaanna dilay Cabduraxmaan bin Muljam, kuwa kale ayaa ku fashilmay dilalka Macaawiye iyo Camr bin Caas, waxayna aheyd sanadkii 40 hijriyah, wuxuu Cali markaasi jiray 58 sano, waxaa kale oo lagu sheegaa inuu jiray 63 sano, khilaafadiisa ayaa socotay muddo shan sanadood oo seddax bilood ka dhiman, wuxuu khaliif ahaa min 35-40 hijriyada oo u dhiganta 655-660 ee miilaadiga, Allaha ha u naxariisto Amir Mu’miniin Cali bin Abu Talib.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (7964 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: