Wararka

Hay’ada NISA oo soo bandhigtay muuqaal nin lagu eedeeyey inuu ka dambeeyey qaraxii…


Hay’adda Nabad Suggida iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa waxay caawa soo bandhigtay muuqaalka nin lagu eedeeyay in uu ka dambeeyay qaraxii maanta ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.

Muuqaalka ninkan iyo qoraal kooban oo NISA ay kaga hadleyso soo qabashadiisa ayaa waxay caawa ku soo bandhigtay barta ay ku leedahay Shabakadda bulshada ee Twitter.

Qoraalka NISA ayaana u qornaa sidatan “Laamaha ammaanka ayaa maanta gacanta ku soo dhigay dhagarqabe Xudeyfa, oo ka tirsan qaybta qaraxyada Al Shabaab, kaasoo ku xiray qarax dhejis ah gaari yaalay agagaarka Isgoyska Zoobe.”

Dhinaca kale Wariye-yaasha Magaalada Muqdisho ayaa soo sheegaya in milkiilaha gaariga iyo goobjoogeyaal kale ay arkayeen markii uu ninkaasi qaraxa ku xiraayay gaariga, isla-markaana ay eryadeen. Ciidamada Booliska ee Degmada Hodan oo ku soo baxayna waxaa u suurta-gashay in ay ninkaasi gacanta ku soo dhigaan.

Ninkan oo iminka lagu hayo xarumaha laamaha amniga ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu wadaa baaritaanka socdo ka dib in la horgeeyo Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (7961 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: