Wararka

Qarax u muuqday in lagu xiray gaari oo ka dhacay agagaarka Isgoyska Zoobe ee Mogadishu…


Qarax xoogan ayaa waxaa goor dhow uu ka dhacay agagaarka Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho, iyadoo qaraxa uu ka dhashay gaari halkaasi yaalay.

Wariye-yaasha ayaa soo sheegaya in qaraxu uu u muuqday mid lagu soo xiray gaarigan, iyadoo qaraxa ka dibna uu dab ka kacay gaarigaasi iyo xarumo kaloo ganacsi.

Qaybo ka mid ah xaafadaha Magaalada Muqdisho ayaa waxaa laga arkay uuro xoogan oo cirka isu shareertay, taasoo ka dhalatay qaraxa iyo goob shidaalka lagu iibiyo oo qaraxaasi uu saameeyay.

Qaraxagaariga

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa oo ka dhacay goob ku dhow Hoteelada Safari iyo Beder uu gaystay khasaaro kala duwan, balse aan la garanayn inta uu khasaaruhu gaarsiisan yahay.

Wariye-yaasha ayaa waxay soo sheegayan in halkaasi uu ka socdo gurmadka lagu daminayo dabkaasi, laguna soo samata bixinayo haddii ay jiraan dad ku waxyeeloobay.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (7961 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: