Wararka

Wasiirka Gaashaandhigga Ciraaq oo la soo ogaaday inuu qaato lacagaha ceyrta isaga oo…


Wasiirka Gaashaandhigga dalka Ciraaq Najah al-Shammari ayaa waxaa soo wajahday fadeexad kadib markii ay warbaahintu soo ogaatay in uu lacag jirro ka qaato isagoo xil sare ka hayo xukuumadda Ciraaq.

Wasiirkan ayaa la sheegay in uu dalka Sweden qaxooti ahaan isaga dhiibay sannadkii 2009-kii, isagoona baasaboorka weyn ee dalkaasi qaatay sannadkii 2015.

Najah al-Shammari ayaa la sheegay in uu horay u ahaan jiray sarkaal ka tirsan ciidamada militariga Ciraaq, uuna soo noqday ilaa iyo general.

Warbaahin dhowr ah oo gudaha Sweden ka jira ayaa qoraya in wasiirkan oo xilka loo magacaabay isla sannadkan ayaa loo haystaa dambiyo ay ka mid yihiin in uu musuq-maasuq ku sameeyay lacagta la siiyo dadka xanuunsan ee ay dowladda Sweden bixiso.

Waxa uu xanuunsanaa muddo sanooyin ah, oo waxaa uu lumiyaa xusuusta, sida uga diiwaangashan hay’adaha caafimaadka dalka Sweden.

Sidoo kale waxa lagu haystaa wasiirkan in isaga iyo qoyskiisaba ay qaadanayeen lacagaha loogu talo galay dadka carruurta leh iyo kuwa laga caawiyo guryaha xilli ay dalka Swedan ka maqnaayeen in muddo ah, ayna u sheegin dowladda.

Wararku waxa ay sheegayaan in sannadkii 2015 mar loogu xiray Sweden arrimo musuq-maasuq.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (7961 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: