Wararka

Dikumintiyo muujinaya inuu xiriir ka dhaxeeyey Pompeo iyo Giuliani oo la shaaciyey…


Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee waddanka Mareykanka, ayaa waxa ay shaacisay diwaanno la xiriira qaabka uu maamulka Trump ula dhaqmay Ukraine.

Dikumintiyada ayaa waxaa la gaarsiiyay hay’adda dhanka anshaxa kala socota dowladda Mareykanka kadib markii la codsaday in iyadoo xorriyadda xogta la adeegsanayo dikumintiyadaas la bixiyo.

Diiwaannada ayaa waxa ay muujinayaan xiriir joogta ah oo u dhaxeeya Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Mike Pompeo iyo qareenka Mr Trump ee Rudy Giuliani.

Xiriirka Mareykanka iyo Ukraine ayaa waxa uu udub dhexaad u yahay baaritaanka xil ka qaadista Mr Trump.

Madaxweynaha ayaa waxaa lagu eedeeyay inuu hakiyay deeq ku socotay Ukraine oo uu meelmariyay Koongareeska si uu cadaadis ugu saaro dalkaas si uu u baaro ninka ay siyaasadda isku hayaan ee Joe Biden.

Mr Trump ayaa waxa uu ku dhawaaqay in baaritaanka uu yahay “mid lagu ugaarsanayo” waxa uuna diiday inuu wax khalad ah sameeyay.

Dikumintiyadu maxay sheegayaan?
Mr Giuliani ayaa waxaa lagu eedeeyay inuu isku dayay inuu sharaf rido safiirkii hore ee Mareykanka u fadhisay Ukraine, Marie Yovanovitch, xilli uu waday howlo ku saabsan siyaasadda arrimaha dibadda Mareykanka ee Ukraine. Waxaa su’aalo laga keenay waxa uu Xoghayaha arrimaha dibadda Mike Pompeo ka ogaa arrinta.

Diiwaannada ayaa waxa ay muujinayaan Mr Pompeo iyo Mr Giuliani oo si xiriir ah u wadahadlaya – walow aanan la garanayn mowduucyada waxyaabaha ay ka wadahadlayeen.

Wicitaanka ayaa yimid kaddib markii mid ka mid ah shaqaalaha Giuliani uu email u diray kaaliyaha Madaxweyne Trump, Madeleine Westerhout, si uu u waydiiyo inay hayso taleefanka Mr Pompeo.

Ms Yovanovitch ayaa bishii May waxaa laga qaaday xilka safiirnimadii Ukraine.

“Waannu aragnaa sababta Mike Pompeo uu u diiday in xogtan uu Koongareeska u siiyo. Waxa ay shaaca ka qaadaysaa warqadda raad-raaca ah ee ka timid Rudy Giuliani ee ku socotay Xafiiska Mareykanka loogaga taliyo gaar ahaan Xoghaye Pompeo inuu fududeeyo ololaha sumcad rididda ah ee uu Giuliani wado ee ka dhanka ah safiirka Mareykanka,” ayuu bayaan uu soo saaray ku sheegay Agaasimaha Guud ee hay’adda ilaalisa anshaxa hab dhaqanka Ameerika, Austin Evers.

“Tani waa wareegga koobaad ee soo shaacbixinta xogta. Cadaynta la helayana waxa ay sii halaynaysaa maamulka, xilli ay burburayso istiraatiijiyadda dib u dhigista iyo hor istaagga awaamiirta maxkamadda.” Ayuu sii raaciyay.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (7964 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: