Wararka

Diyaarad kuwa rakaabka qaada oo ku dul dhacday magaalada Goma ee dalka Congo…


Diyaarad kuwa rakaabka qaada ah ayaa ku dul dhacday magaalada Goma ee dalka Conga oo Ugu yaraan 19 rakaab ah ay ku dhinteen, qaar kalena ay ku dhaawacmeen.

Wali ma cadda tirada rasmiga ah ee diyaaradda saarnaa, waxaana socda baadigoob lagu hayo goobta uu shilka ka dhacay oo ay gaareen hay’adaha kala duwan ee gar-gaarka.

Diyaaradda dhacday oo nooceeda lagu sheegay Dornie ayaa waxaa ay ku jeeday magaalo 35 km u jirta magaalada Goma, sida ay sheegtay shirkadda diyaaradda laheyd ee Busy Bee.

Wax yar uun kadib markii ay kacday ayay dhacday, waxaana ay ku dul habsatay guryo dad deggan yihiin. Wali ma cadda waxa sababay shilka diyaaraddan.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (7964 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: