Wararka

Labo xubnood oo ka tirsanaa al-Shabaab oo Maxkamada Ciidamada ku xukuntay xabsi daa’in…


Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya, ayaa maanta xabsi daa’in ku xukuntay labo xubnood oo katirsanaa kooxda Alshabab, iyadoo xukunka uu ka dhacay magaalada Guriceel.

Eedeysanaha koowaad oo lagu magacaabo Maxamuud Cabdi Cabdiraxmaan, ayaa lagu sheegay inuu ahaa ninkii isku dayay inuu isku qarxiyo xaflad Guriceel ka dhacaysay oo lagu xusayay maalinta shuhadadii Ahlsuna oo uu ku sugnaa Sheikh Shaakir.

Eedeysanaha labaad oo lagu magacaabo Cali Dhubbad Nuure Siyaad ayay maxkamadu sheegtay inuu Alshabab u qaabilsanaa sahminta islamarkaana uu ahaa ninkii eedeysanaha koowaad kusoo hagay xaflada uu isku qarxin rabay, balse ay ciidamadu fashiliyeen.

Guddoomiyaha maxkamada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute, ayaa ku dhawaaqay xukunka lagu riday raggaan, isagoo sheegay in ay haystaan racfaan bil ku siman.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (7961 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: