Wararka

M/weyne ku xigeenkii hore ee Mareykanka oo rajo ka muujiyey xil ka qaadista Trump…


Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Mareykanka Joe Biden, ahna murashaxa xilka madaxtinimo ee xisbiga Dimuquraadiga doorashada 2020-ka ayaa rajo ka muujiyay xil ka qaadista Madaxweyne Donald Trump.

Mr Biden ayaa dhanka kale ugu baaqay in xisbiga Jamhuuriga ee heysta aqlabiyada golaha aqalka sare in ay meel mariyaan xil ka xayuubinta Trump maadaama uu galay khiyaano Qaran.

Kadib wareysi uu siiyay Tv-ga CNN ka ayuu Mr Biden rajo ka muujiyay in xisbiga Dimuquraadiga oo heysta golaha Congress-ka ay xilka ka qaadi Doonaan.

Mas’uuliyiinta ugu sareysa dimuquraadiga oo baaritaanka waday sideed todobaad ayaa sheegay in ay qaadi doonaan talaabada Xigta.

Si kastaba ha ahaatee xil ka qaadista Trump ayaa la filayaa in uu ku dhaqaaqo aqalka Congress-ka inta lagu guda jiro fasaxa Masiixiga ee bisha December oo ku beegan dabayaaqada Sanadkaan.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (7964 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: