Wararka

Seddax nin oo loo heystay kufsi iyo dil oo horey dil loogu xukumay oo M/weyne Deni saxiixay…


Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, saciid Cabdulaahi Deni, ayaa saxiixay xukun dil ah oo lagu fulinayo saddex nin oo loo haystay inay kufsadeen oo dileen gabadh 12 jir ahayd oo lagu magacaabi jiray Caa’isha Ilyaas Aadan.

Warbaahinta Hiiraan Online oo warkaan ka xaqiijisay ilo ku dhow madaxweyne Deni, balse diiday in magacooda la xuso, ayaa sheegaya in madaxweynuhu todobaadyo ka hor uu saxiixay xukunka toogashada ah ee horyaalay xafiiska.

Waxay kaloo Hiiraan Online ogaatay in uu xukunka hadda horyaala maxkamada sare ee Puntland, taasoo laga sugayo inay fuliso islamarkaana uu kiisku halkaas kusoo gabagaboobo.

Saddexda nin ee xukunka dilka ah lagu riday ayaa lagu kala magacaabo Cabdi Fataax Cabdiraxmaan Warsame, Cabdisalaan Cabdiraxaan Warsame iyo Cabdishakuur Maxamed Dige.

Xukunka raggaan oo muddoo soo jiitamayay waxaa isku raacay saddexda maxkamadood ee Puntland ee kala ah, maxkamada darajada koowaad, maxkamada racfaanka iyo maxkamada sare.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (7961 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: