Wararka

Sheekh Soomow ayaa sheegay inay ka laabteen dibadbax weyn oo maanta u qorsheysnaa…


Sheekh Cabduqaadir Soomoow oo ah Afhayeenka Golaha Culima’da Soomaaliyeed dhinaca kalana ka mid ahaa Wadaadadii sida weyn uga hor yimid muxaadarradii la joojiyay ee Sheekh Maxamed Cabdi Umal, ayaa sheegay in ay ka laabteen dibadbax weyn oo qorshahoodu ahaa in ay maanta ku qabtaan magaalada Muqdisho.

Isaga oo la hadlay warbaahinta gudaha Sheekh Soomoow waxaa uu dowladda Soomaaliya uga mahad celiyay go’aanka ay ka qaadatay sida uu hadalka u dhigay joojinta muxaadarrada.

“Ballanteennu waxay aheyd inaan 6:00-Subaxnimo ee maanta oo Axad ah banaan-bax weyn garoonka Eng Yariisoow ka dhigno ,waa baajinay, waxaan ugu baaqayaa Ardeydeena in Dibadbaxii la joojiyay dibna ugu laabtaan Masaajidda, Mowlacyada iyo Dugsiyada ayuu yiri Sheekh Soomow.

Sheekh Soomoow ayaa ahaa Wadaadkii bilowgii horeba markii uu soo baxay warka ku saabsan qabashada muxaadarrada Sheekh Umal sida weyn uga soo horjeestay, waxaana markii danbe diidmadiisa ku soo biiray oo xoojiyay guud ahaanba Wadaadada dariiqada Suufiyada dibadbax ka dhigay magaalada Muqdisho.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (7961 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: