Wararka

Dhaqaatiir u gudbiyey dowlada UK fariin ku saabsan xaalada caafimaad ee Julian Assange…


Inkabadan 60 dhaqtar ayaa u gudbiyay dowlada UK fariin ah in ay ka cabsi qabaan xaalada caafimaad ee Julian Assange oo ah ninka aas aasay majalada siraha faafisa ee WikiLeaks.

Mr Assange oo 48 jir ah ayaa mudo todoba sano ah qaab magangalyo ah ugu noolaa safaarada Ecuador ay ku leedahay magaalada London ka hor inta aan laga soo saarin bishii April ee Sanadkaan.

Dhaqaatiirta UK ayaa sheegay in ninkaan uu geeriyoon karo hadii aan laga saarin xabsiga dhexe ee magaalada London.

Dowlada Mareykanka ayaa ku eedeysay sargaalkan hore danbiyo la xiriira khiyaano qaran iyo in uu jabsaday xogta dowlada deetana uu Faafiyay.

Warbixin ka koobneyd 16 bog oo Isniinta maanta ah lagu daabacay bogga WikiLeaks ayaa lagu xaqiijiyay in Assange uu wajahayo dhibaatooyin ay ka mid yihiin cudurada dhanka maskaxda, walaaca iyo xanuunada kale ee ku dhaca Afka iyo kuwo kale.

Wasaarada arimaha Gudaha UK ayaa loogu baaqay in maxbuuskan laga soo saaro xabsiga Belmarsh ee magaalada London si loogu dabiibo Isbitaalka Jaamacada UK.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (7964 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: