Wararka

Kooxaha dimuqraadiyad doonka ee Hong Kong oo ku guuleystay doorashadii halkaasi ka…


Kooxaha dimuqraadiyad doonka ee Hong Kong ayaa sheegay in guul wanaagsan ay kasoo hoyeen doorashadii ka dhacday halkaas maalma kahor.

Sida laga soo xigtay kooxaha dimquraadiyad doonka ah ee Hong Kong, waxaa ay shegeen in ay ku guuleysteen 278 kursi oo goleyash deegaanka, halka kooxaha u janjeera dhanka xukuumadda Beijing-na ay heleen 42 kursi.

Inkastoo ay jirtay cabsi ah in doorashada la baajiyo iyadoo loo sababeynayo xasilooni darrida ka taagan Hong Kong ayaa haddana waxaa muuqata in taasi aysan dhicin oo kooxaha rabshadaha waday waxaa ay go’aansadeen in inta ay doorahsada socota joojiyan dibadbaxyada.

Doorashadan ayaa loo arkayay in ay tijaabo u tahay taageerada ay dadka u hayaan xukuumadda Hong Kong ee ay taageerto Dowladda Shiinah, kadib bilo dibadbaxyo ah oo looga soo horjeeday maamulka Hong Kong.

Maamulka Hong Kong iyo xukuumadda Beijing ayaa sheegay in ay rajeynayaan in doorashada ay bidhaamain doonta taageerada ay dadka aan hadlin u hayaan Dowladda, balse waxaa muuqata in taas ay meesha ka dhacday.

Shakhsiyaad muhiim u ahaa xukuumadda Beijing ayaa sidoo kale guuldarro kala kulmay doorashada.

Mid kamid ah mas’uuliyiinta ugu caansan ee taageera xukuumadda Beijing oo kursigiisiisa waayay ayaa sheegay in wax aan la maleysan karin ay dhacday.

“Waxaa dhacay waxay ahayeen adduun gaddoon aan la arag”, ayuu yiri.

Inkastoo doorashooyinka goleyaasha deegaanka ee Hong Kong aysan lahayn saameyn badan oo shaqadood ay tahay ka shaqeynta adeegyada bulshada, haddana waa doorashadii ugu horeesay ee ay dadka ku muujiyaan ra’yigooda, kagana soo horjeestaan hogaamiyaha Hong Kong, Carrie Lam.

Dad gaaraya 4.1 milyan ayaa u diiwaangashan in ay ka codeyaan Hong Kong, waxaana lagu soo warramayaa in ku dhawaad 3 milyan oo qof ay ka qeybqaateen doorashada golaha deegaanka.

Dadka ka qeybqaatay doorashada ayaa lagu qiyaasay 71 boqolkiiba, halka sanadkii 2015-ka dadkii codeeyay ay ahayeen 47 boqolkiiba.

Guushan ay gaareen kooxaha kasoo horjeeda saameynta Shiinaha ayaa sheegay in tani ay dhabar jab weyn ku tahay xukuumadda Beijing.

Dadka Hong Kong ee dibadbaxyada dhigayay ayaa markii hore ka careysnaa sharci cusub oo dhigaya in dadka gala dembiyada loo sii gudbin karo dalka Shiinaha, waxana arrintaas ay sabab u noqotay dibadbaxyo bilo socady.

Inkastoo sharcigaas meesha laga saaray ayaa haddana shacabka reer Hong Kong waxaa ay dalbanayaan in xukuumadda Carrie Lam ay meesha baneyso oo ay iscasisho.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (7964 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: