Wararka

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo looga fadhiyo inay ansixiyaan miisaaniyadda sanadka 2020…


Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somalia ayaa waxay maanta kulan ku leeyihiin Magaalada Muqdisho.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxaa xalay lagu wargeliyay inay maanta kulan ku yeelanayan Xaruntooda Magaalada Muqdisho.

Ajandaha kulanka ayaa ah akhrinta 2aad ee ku noqoshada Miisaaniyadda 2019, oo qaybteedii hore ay toddobaadkii hore ka doodeen.

Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Somaliya ayaa 31-kii bishii hore ee October ansixiyay miisaaniyadda sanadka 2020, taasoo uu cadadkeedu gaarayo adduun lacageed oo dhan $469.5 milyan.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa looga fadhiyaa inay ansixiyaan miisaaniyadda sanadka soo socdo ee 2020, ka hor inta aanay dhammaan bisha soo socota ee December.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (7961 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: