Wararka

Xubnaha cusub ee komishanka doorashooyinka Somaliland oo la dhaariyey…


Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed oo ah Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland, ayaa maanta Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi hortiisa ku dhaariyey xubnaha cusub ee Komishanka doorashooyinka Somaliland ee dhawaan la dhisay.

Xubnahan cusub ee komishanka doorashooyinka oo dhawaan ansixiyey golaha wakiillada Somaliland, ayaa la mariyey dhaarta Dastuuriga ah, si ay u gudo galaan gudashada shaqooyinka loo igmaday ee bulshadu ka sugayso.

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhaarta kaddib xubnaha komishanka cusub dardaaran adag u jeediyey, waxana uu ku adkeeyey inay dhawraan caddaaladda iyo sinnaanta, islamarkaana garsoorkooda bud-dhig uga dhigaan Kitaabka Eebbe ee ay ku dhaarteen maanta.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (7961 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: