Wararka

13 askari Faransiis ah oo ku dhintay Shil laba diyaarad helicopter Militari oo ka dhacay Mali…


Saddex iyo toban askari oo Faransiis ah ayaa ku dhintay kadib shil laba diyaarad helikobtar oo milatari oo ku burburay gudaha dalka Mali, waxay ku guda jireen howlgal askari oo ka dhan ah xagjiriinta, sidaasi Madaxtooyada Faransiiska ayaa sheegtay Talaadada maanta.

Waxay Madaxtooyada ku dartay in Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron uu amaanay “sida ugu wanaagsan ee ixtiraamka mudan xusida ciidamadan dhulka,”, isagoo ku amaanay geesinimadooda oo uu sheegay in ay u dhinteen France darteed.

Shilka ayaa dhacay fiidnimadii Isniintii, kaas oo ay ku dhinteen lix sarkaal, lix kaaliyeyaal iyo askari, sida ay werisay warbaahinta maxalliga ah.

Faransiiska ayaa faragalin militari ku sameeyay dalka Mali bishii Janaayo 2013, iyadoo laga cabsi qabay kooxaha xagjiriinta ah inay la wareegaan caasimada Bamako kadib markii uu dhacay afgambi militari.

Laga soo bilaabo 2002, gobollada waqooyiga iyo bartamaha ee Mali waxaa ka dhacayay iska horimaadyo gooni u goosad ah iyo weeraro argagixiso.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (7964 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: