Wararka

Ciidamada Somaliland oo xabsiga dhigay sagaal ruux oo u dhashay Imaaraatka Carabta…


Ciidamada Somaliland ayaa saakay Xabsiga dhiggay Sagaal ruux oo u dhashay dalka Isku-tagga Imaaraatka Carabta, kuwaas oo la sheegay in ay si sharci darro ah u Ugaarsanayeen.

Raggaan ayaa laga qabtay Garoonka diyaaradaha Cigaal ee Magaalada Hargeysa ,iyaga oo ku sii jeeday dalkooda, waxaana saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliska Soomaaliland ay sheegeen in raggaan u dhashay Imaaraadka Carabta ay si sharci darro ah uga ugaar sanayeen deegaannada Soomaaliland.

Raggan ayaa dadweynaha degmada Sabo-wanaag oo ka tirsan gobolka Maroodi-Jeex oo ah halka ay ku Ugaarsanayeen markii hore u sheegay in ay mashaariic u fulinayaan balse waxaa la ogaaday in ay si sharci darro ah u ugaarsanayaan.

Soomaaliland ayaa horay deegaanneeda uga erisay Kalluumeysato iyo Shaqaalo Ajnabi ah, kuwaas oo ay sheegeen in si sharci darro ah ay ku joogeen deegaannada Soomaaliland ,iyaga oo sidoo kale ku amray Ajaanibta ku sugan inay isa-soo diiwaan geliyaan.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (7964 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: