Wararka

Qaramada Qatar iyo Ciraaq oo Doha ka furaya Tartanka kubada cagta ee Khaliijka…


Qaramada Qatar iyo Ciraaq ayaa rajeynaya bilow wanaagsan oo ay ku doonayaan hadafkoodii oo ah koobkii afaraad ee tartanka Khaliijka kadib markii ay ku kulmaan Talaadada ciyaarta furitaanka koobka 24aad ee Khaliijka, kaasoo Qatar marti gelineyso ilaa sideeda bisha soo socota ee December.

Maanta, labada kooxood waxay furayaan tartanka koobka Khaliijka si xamaasad leh, waxay ku ciyaari doonaa garoonka Khalifa International Stadium ee Doha, oo ah mid ka mid ah garoomada loogu tala galay Koobka Adduunka ee Qatar 2022.

Ciyaartaan ayaa ah mid xiiso weyn leh maadaama iska hor imaad xoogan uu dhex mari doono labo kooxood oo horey koobkaan ugu guuleysatay min sedex jeer, kulanka maanta ayaa waxa uu ka dhigayaa bilowga raadinta koobkoodii afaraad.

In kasta oo kooxda reer Ciraaq ay leeyihiin khibrad weyn iyo taariikh aan la yareysan karin ee tartamada Koobka Khaliijka, hadana waxaa jiri kara inay helaan fursad kooxda Cunaabi oo ay ku bilaabi karto ka qeyb qaadashada tartanka guul muhiim ah oo kooxda u horseedi doona bilowga u soo bixida doorka xiga.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (7961 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: