Wararka

Roob lagu diirsaday oo ka da’ay Mogadishu iyo nawaaxigeeda oo dhinaca kale burbur…


Waxaa soo baxaya faahfaahino hordhac ah oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay roob xoogan oo shalay illaa xalay ka socday Magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda.

Roobkan oo lagu tilmaamay kuwii ugu xooganaa ee muddo sanado ah ka da’a caasimada ayaa saameyn kala duwan ku yeeshay nolosha qeybaha bulshada.

Jidadka magaalada ayaa haawanayey xalay kadib markii ay aad u yaraadeen gaadiidka iyo mootooyinka bajaajka isticmaali jiray habeenkii oo dhan sababo la xiriira jidadka qaar oo daadadku ay jareen iyo dhaqdhaqaaqa dadka oo joogsaday.

RoobXamar1

Roobka ayaa sidoo kale burbur xooggan u geystay qaar ka mid ah wadooyinkii sanadahan dambe dib u dhiska lagu sameeyey ee magaalada, waxaana jidadka illaa hadda la xaqiijiyey iney burbureen ka mid ah wadada isku xirta labada isgoys ee Ex-Gurigii shaqaalaha iyo KPP ee degmada Hodan, sidoo kale wadada isku xirta isgoysyada Bakaaraha iyo dabka ayaa la sheegay iney waxyeelo u geysteen daadadka.

Shabakada Wararka
hagaag.com
Info@hagaag.com

About Admin (7964 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: