Wararka

M/weyne Trump oo lagu casuumay inuu ka qeyb galo dhageysiga dacwadaha ka dhanka ah…


Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa lagu casuumay in uu kasoo qeyb galo dhageysiga dacwadaha ka dhanka ah ee la doonayo in xilka Madaxweynanimo looga qaado.

Xildhibaanada aqalka Koongreska Mareykanka ayaa Donlad Trump ku casuumay 4-ta bisha December in uu ku hor yimaado Xildhibaanada si uu u dhageysto marqaatina uga noqdo dacwadaha loo heysto.

Guddoomiyaha guddiga garsoorka ee Aqalka Kongreska Jerrold Nadler, ayaa sheegay sababta Madaxweyne Trump loogu casuumay dhageysiga dacwada ay tahay in uu xaqiiqada ogaado iyo in uu joojiyo wax ka sheegista hanaanka ay dacwada u socoto.

Madaxweynaha dalka Mareykanka hadii uu ka qeyb galo dhageysiga dacwadaha loo heysto ee horyaala Aqalka koongareyska ayaa waxaa loo wareysan doonaa sida qof marqaati ah oo kale.

Talaabadan loogu yeeray madaxweyne Trump ayaa gogol xaar u ah tallaabada xigta ee qorshaha xil ka qaadista lala damacsan yahay , waxaana loo heestaa wicitaankii dhanka taleefonka ee dhexmaray isaga iyo dhiggiisa Ukraine, Volodymyr Zelensky.

Trump ayaana dhiggiisa Ukraine ka dalbaday in uu baaritaan ku sameeyo madaxweyne ku xigeenkii hore ee Mareykanka, Joe Biden oo haatan kamid ah siyaasiyiinta u hanqal taagaya doorashada madaxtinimo ee Mareykanka.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (7964 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: