Wararka

R/W Khayre oo Mogadishu kula kulmay Safiirka Mareykanka ee Somalia Donald Yamamoto…


Ra’iisal Wasaaraha Somalia, Xasan Cali Khayre ayaa wuxuu Magaalada Muqdisho kula kulmay Safiirka Mareykanka u joogga dalka Somaliya, Amb. Donald Yamamoto.

Kulankan ayaa waxay labada dhinac kaga wada hadleen arrimo ay ugu muhiimsan yihiin amniga iyo siyaasadda dalka.

Qoraal la soo dhigay barta Safaaradda Mareykanka ee Somalia ku leedahay Twitter-ka ayaa lagu sheegay in labada dhinac ay ka wada hadleen, sidii horey loogu dhaqaajin lahaa horumarka Somaliyada cusub.

“Amb. Yamamoto iyo kooxda Mareykanka ee Somalia waxay la kulmeen Ra’iisal Wasaaraha, waxayna ka wada hadleen horumarka Somalia, dhanka nabadgelyada, xasiloonida, barwaaqada, la shaqaynta Dowladda Federaalka, Maamul Goboleedyada iyo caalamka. Waa furaha dib u soo noollaynta Somaliyada cusub oo xoogan.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Kulankan ayaa wuxuu ku soo aadayaa, xilli uu sii xoogeysanayo walaaca laga qabo khilaafka Dowladda Somalia kala dhaxeeya Maamul Goboleedyada qaarkood iyo caqabadda uu khilaafkaasi ku yahay horumarka Somalia.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa warbixin ay Isniintii soo saareen waxay ugu baaqeen Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada inay xaliyan khilaafka dhexdooda ah.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (7964 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: