Wararka

Wasiir Sabriye oo Dhuusomareeb u tagay sidii loo dedejin lahaa dhismaha Galmudug loo dhan…


Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye iyo xubno la socda ayaa saakay gaaray magaalada Dhuusomareeb ee caasimada maamulka Galmudug.

Wafdiga Wasiirka waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusomareeb kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin katirsan dowlada, Wasiiro iyo xildhibaano katirsan Galmudug, waxgarad iyo saraakiil ciidan.

Wasiir Sabriye ayaa sheegay in Dhuusomareeb u tageen sidii loo dedejin lahaa dhameystirka dhismaha Galmudug loo dhan yahay, waxa uuna Wasiirka cadeeyay in si dhaqso ah loo dhisi doono maamulka Galmudug.

Wasiirka arimaha gudaha ayaana la ogeyn in uu kulamo la qaadan doono hogaanka Ahlu Sunna ee jooga magalaada Dhuusomareeb kuwaa oo kasoo horjeestay habraaca doorashada iyo sida dowlada wax u wado.

Safarka maanta magaalada Dhuusomareeb ku tagay Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xili lasoo saaray habraaca doorashada Galmudug oo ka dhaceysa magaalada dhuusomareeb.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (7964 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: