Wararka

Arsenal oo shaacisay inay maanka ku heyso macallinka kooxda Wolves inuu bedeli karo…


Kooxda Arsenal ee ka tirsan horyaalka dalka Ingiriiska ayaa shaacisay in macallinka kooxda Wolves, Nuno Espirito Santo, uu yahay qofka ay suurtagal tahay inuu beddali karo tababarahooda Unai Emery, haddii ay kooxdu go’aansato inay eriso Emery.

Unai Emery ayaa wajahaya cadaadis xoog badan ka dib markii ay kooxdu wax guul ah ka gaari weysay lix kulan oo isku xigta, oo ka mid ah dhammaan tartammada.

Arsenal ayaa guulo kasoo hoyisay kaliya afar kulan oo ka mid ah 13-kii jeer ee la ciyaaray horyaalka Ingiriiska ee Premier League, xilli ciyaareedkan.

Laanta ciyaaraha ee BBC-da ayaa fahansan in haddii Emery shaqada laga eryo, oo Nuno fursad loo siiyo inuu la hadlo Arsenal, kadib uu macallinka u dhashay Portugal yahay qofka ugu dhow jagadaas.

Emery ayaa sheegay inuu hadda diiradda saarayo kulamada uu leeyahay “maanta iyo beri”, maadaama uu isku diyaarinayo kulanka ay Khamiista ku marti galinayaan kooxda Eintracht Frankfurt, kaasoo qeyb ka ah tartanka koobka Europa League.

“Shaqadeydu waa inaan isku diyaariyo ciyaarta, inaan sameeyo bandhigga ugu fiican ee qanciya taageerayaasheenna”, ayuu yiri.

Arsenal waxay ciyaarta Khamiista billaabeysaa iyadoo ugu sarreysa Horinta F, waxayna afar dhibcood oo nadiif ah ka horreysaa kooxda ugu soo dhow.

Maalintii Axadda, kooxo ka tirsan taageerayaasha Arsenal ayaa maamulka ugu baaqay inay tallaabo deg deg ah qaadaan.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (7964 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: